HORMARINTA XIRFADDA WAX AKHRISKA.
HORMARINTA XIRFADDA WAX AKHRISKA. Akhrisku wuxuu kaalin muhiim ah ka qaataa korniishaha iyo xoog sanaanta maskaxda, shacuurta iyo xoojinta xasuusta qofka. Nolosha aadamigu waxay kaalin ku kala gashay qof ba inta uu xog hayo taas oo badiba laga soo dheegtay akhrinta buuggaagta, maqaallada iwm. Casrigaan aynu ku noolnahayse qof kasta darajada uu maanta ku tartamayo waa inta saacaddood iyo buug, jaraa’id ama maqaal uu akhriyay. Qarnigaan aan ku jirno meel kumalaha qofkii aan waxna akhrin waxna qorin. Waxaan sidookale muhiimad badan ku lahayn qofka aan si macquul ah waxna u qorin waxna u akhrin. Maqaalkaan waxaan ku falanqeyn doonaa sida loo abuurto caadooyin ama dhaqamo wax akhris oo joogto ah, muhiimada waxakhriska iyo faa’idooyinka dhaxalgalka ah ee akhriska laga helo. Dhowr ahmiyadood oo Akhrisku inoo leeyahay. 1: Akhriska badan ee buuggaagtu wuxuu qeyb lixaadleh ka qaataa sare u qaadidda ilbaxsanaanta qofka. 2: Xoojinta iyo diirad saaridda higsigaaga iyo ...