HORMARINTA XIRFADDA WAX AKHRISKA.

HORMARINTA XIRFADDA WAX AKHRISKA.

Akhrisku wuxuu kaalin muhiim ah ka qaataa korniishaha iyo xoog sanaanta maskaxda, shacuurta iyo xoojinta xasuusta qofka. Nolosha aadamigu waxay kaalin ku kala gashay qof ba inta uu xog hayo taas oo badiba laga soo dheegtay akhrinta buuggaagta, maqaallada iwm. Casrigaan aynu ku noolnahayse qof kasta darajada uu maanta ku tartamayo waa inta saacaddood iyo buug, jaraa’id ama maqaal uu akhriyay. Qarnigaan aan ku jirno meel kumalaha qofkii aan waxna akhrin waxna qorin. Waxaan sidookale muhiimad badan ku lahayn qofka aan si macquul  ah waxna u qorin waxna u akhrin. Maqaalkaan waxaan ku falanqeyn doonaa sida loo abuurto caadooyin ama dhaqamo wax akhris oo joogto ah, muhiimada waxakhriska iyo faa’idooyinka dhaxalgalka ah ee akhriska laga helo.

Dhowr ahmiyadood oo Akhrisku inoo leeyahay.    

1: Akhriska badan ee buuggaagtu wuxuu qeyb lixaadleh ka qaataa sare u qaadidda ilbaxsanaanta qofka. 
2: Xoojinta iyo diirad saaridda higsigaaga iyo aqoon kordhinta xogaha muhiimka ah ee aad dooneyso.
3: Akhrisku wuxuu xoojiyaa shacuurta caafimaad qabka qofka, wuxuuna ka fogeeyaa walbahaarka [stress], niyadjab ka iyo dhammaanba xaalladaha soo wajaha  dhimirka.
4: Akhrisku waa tababare nololleed kuu meeriya daruuso maangal ah oo kaa caawiya fogaan higsigaaga aad dooneyso in aad nolosha meel sare kaga  gaarto.
5: Hal-abuurista awaalka  sheeko, riwaayad ama curin suugaanneed akhrisku wuxuu ku leeyahay door mihim ah. Inkastoo curinta suugaantu ay tahay wax hibo ah oo aanay dad ku ka sinneyn, balse curinta maanso hummaaggeeda curintu uu yahay mid labeeneysan waxay ku imaan kartaa maan furnaanta iyo xogta uu hayo hal-abuuraha suugaanneed.
6: Qofka markasta wax akhriya waa mid xorka ah maanka, kana madax bannaan afkaarraha gurracan iyo xogaha been abuurka ah.

Sidee loo yeeshaa caado akhris oo wanaagsan?

Inkasta oo ay adagtahay la qabsiga caadada buug akhrinta haddana waa lagam maarmaan in qofkasta oo doonaya in uu wax akhriyo uu juhdi badan galiyo wax akhriska. Haddaba si loo helo mar-xalad uu qofka doonaya in uu waxa khriyo kula qabsan karo nolosha akhriska waxaan halkaan ku soo gudbin doonaa dhowr hab oo  mihiim  ah in uu ku dhaqmo qofka doonaya in noqdo akhriste wanaagsan.

1: Haddii aad ku cusub tahay saaxada akhriska waxaa wanaagsan in aad akhris  kaaga ku billowdo akhrinta qoraalada fudfudud, buug sheeko ah ama jaraa’id uu fududdahay af-ka ku qoran.
2: Yeelo ujeeddo, waqti iyo liis akhrineed kuu gaar ah. Waxaa jira wax yaabo farabadan oo aad xiisayso sida kutubta diiniga ah, ciyaaraha, suugaanta, dhaqaalaha, caafimaamdka, siyaasadda iwm. Akhri buuggaag ku saabsan wax yabaha aad xiisayso. Qof kasta oo wax akhriya waxaa muhiim ah in ay jirto meel uu saaxiibadiis kaga xog roon yahay. Sidaasi awgeed waa in akhriskaagu meel ku xeeldheeryahay.
3: Sameeyso/qorsheyso waqtiyo aad ugu talo gashay akhriska.
4: La saaxiib dad wax akhriska jecel si’aad markasta u hesho dad akhriska kugu dhiirrogelliya.
5: Soo iibso buuggaag deedna gurigaaga/qolkaaga ka sameyso marfash yar oo aad buugta saarato. Tani waxay ka caawisaa in akhristahu uu markasta la saaxiibo buugta. Sidaasna uu ku noqdo akhriste wanaagsan.
6: Markasta booqo maktabaddaha, meelaha buugta lagu iibbiyo, bandhigyada buugta, iyo meelaha lagu gorfeeyo buuggaagta. 

Sare u qaadidda xirfadda Fanka xowli wax-u-akhriska. 

Ka hor intii aan la helin aaladda daabacadda ee daabacaadda buugta lagu badiyo waxaa adkaan jirtay in la helo buug badan oo dad ka wada gaadha iyo buug farqoraal koodu wanaagsan yahay oo isha wax akhrineysa aanay  ku daalleyn, dadku buugta way kala amaahan jireen iyadoo ay suurta gal ahayd in hal buug saf-isasugid ah u galaan tobannaan ruux. Waxaa se 1439 hirgashay aaladda daabacaadda ee badinta buugta. 
 
Markaasi wixii ka danbeeyay Aadamahu wuxuu helay fursad ah in ay buug farabadan oo gebi ilaa gabi dunida gaadhey helaan, qaab daabacaaddooduna sidii hore ka hagaagsaynayd. 
Xirfadda dhaqsa wax-u-akhrintu waa wax qofkasta is bari karo waxay se ku xirantahay nooca waxa aad akhrinnayso, tusaale qofka akhrinaya buug xisaab ah iyo kan akhrinaya buug sheeko ah isku si ma noqon karaan xawaarahooda wax akhrintu, sidasi awgeed waxaan dhihi karnaa inta aan la gaarin in aan xawli wax u akhrino waxaa wanaagsan inaan ogaano waxa aan akhrineyno. Tillaabooyinkaa caawinaya hormarinta wax akhriskaaga ka dheego qodobbada hoose;
1: Inta aadan billaabin akhrinta buuggaaga xasuusnow ulajeedka akhriskaaga iyo waxa aad doonayso in aad ogaato. Dadka wax akhriyaa badan kood inta aysan buugga u qaadan in ay akhriyaan waxay eegaan tusmada buugga [Table contents] si ay halkaas uga ogaadaan muhiimadda buuggaan u leeyahay in ay akhriyaan.
2: Dadka badan kood markey wax akhrinayaan waxay wax u akhriyaan qaab ah in ay eray eray u dul istaagaan qoraalka. Taasi waxay keentaa in micnaha qoraalku uu meesha ka baxo, qofkuna uu ku daalo akhriska. Waxaa wanaagsan in qoraalka sadar sadar loo akhriyo.
3: Marka aad wax akhrineyso waxaa wanaagsan in aad tagto meel buuq iyo saxmad badan aan lahayn, si aanad ulakulmin wax kaa mashquuliya akhriskaaga.
4: Iska ilaali inaad ku dhawaaqdo ama kor u akhriso qoraalka, waayo waxaa kaa lumaya fahamkii micnaha qoraalka. Waxaa wanaagsan marka aad wax akhrineyso in codka wax akhrintaadu ka sarreeyn dibnahaaga.
5: Marka aad dhammeyso akhriska buugga waxaad sameysaa sookoobid adigoo si kooban wax uga qoraya wixii aad buugga ku soo aragtay, lana wadaag asxaabtaada si ay uga faa’ideystaan.
6: Adiga oo isticmaalaya qalin ama fartaada waxaad la dul raac sadarka aad akhrineyso tani wax kaa saaciddeysaa in aysan iskaga kaa dhex qasmin sadarka aad akhrineyso kuwa kale.

Caqabadaha bar-bilowga wax akhriska iyo xalkooda.

Shaqo kasta oo la qabto waxay leedahay caqabad ku hor gudban taas oo u baahan barashada iyo la qabsiga tabaha loo xalliyo. Haddaba Akhrisku wuxuu ka mid yahay shaqooyinka la qabto kuwaado ugu adag una baahan in laga gudbo caqabadaha bilowga hore yimaada. Qoraalkaan waxaan ku faaqidi doonaa dhowr caqabaddood iyo sida mid kasta xal loogu heli karo;
1: Higgaaddinta/xaraf kicinta: inta badan caqabaddani waxay wax akhriska ka hor istaagtaa dadka oo ku cusub qoraalka luuqadda ay wax ku akhrinayaan. Waana wax iska dabiiciya oo lagu xallin karo ku celcelinta akhriska si joogto ah. 
2: Xawaaraha wax akhriska: qodob kaan waxaan uga soo haddalnay qeybta sare si faahfaahsan caqabaddihiisa iyo xalkiisa. 
3: Dhaqaalaha: helitaanka dhaqaale u fududeeya akhristaha in uu buugga uu doonayo uu ku iibsado inta badan waa caqabad dad badan oo ka soojeeda waddamada saboolka ah ay waajahaan. Waxaanse akhristayaasha Soomaaliyeed kula tallin lahaa in ay sameystaan buug wadaag oo ah in buugta lasoo wada iibsado deedna qof ba markisa soo akhriyo.
4: Ka cabsashada buugta: dad badan ayaa uga baaqsaday in ay wax akhriyaan cabsi darteed ay ka cabsanayaan in ay akhriyaan buug. Ayagoo niyad ahaan walwal ka qaba amaad wax ka fahmi waydaa intaad buug soo qaado ama marka aad buuggaa dhammeyso haddii wax lagaa waydiiyo aad wax ka sheegi waydaa, deedna dadku kuu arkaan qof buugga iska sita waxse aan ka aqoon. Waxaanse dhihilahaa akhrintu hibo maha ee waa sida uu qofkasta ula tacaamulu akhrinta ee qofna ha uga cabsan in aad wax akhriso.
5: Been-hawaaska waqtiga: ka been sheegiidda oraahda ah [waqti igu filan mahayo] waa caqabadda ugu wayn ee ina hortaagan mana aha wax sal iyo raad leh ee waa iska dhaadhicin iyo hummaag beenneed uu caajisku dadka u sawiro.
6: Luuqadda wax lagu akhrinayo:  inta aan wax la akhrin waxaa muhiim ah in aan is waydiino buugga aan akhrineyno horta luuqadda uu ku qoran yahay aqoon fiican ma u leenahay? Waxaa jira dad badan oo jecel in ay wax akhriyaan, balse caqabad ka haysato buugga ay rabaan ama xiiseynayaan oo ku qoran luuqad qalaad oo aanay aqoon badan u lahayn. Waxaa mihiim ah in aan waqti siino barashada luuqadda aan wax ku akhrinayno, si natiijada wax akhriskeena ay u wanaagsanaato.

Heerar ka wax akhriska.

Inkastoo aanay jirin hab-raac gooniya oo wax akhrinta loo maro balse waxaa jira dhowr hab oo dadka akhriska ku xeel dheer ay shegaan in ay yihiin kuwa ugu habboon inta badanna la isticmaalo.
1: Elementary reading [Akhris bilow]
2: Inspectional [dulka-xaadis]
3: Intellectual or analytical reading [ lafa-gurid]
4: X-raying [raajitayn]
5: Systematic reading  [akhris taxane]

W/Q: Maxamed Maxamud Cali
         darwiish52@gmail.com
          00252618627725

Comments

Popular posts from this blog

SOOKOOBBID IYO GUUDMAR.