SOOKOOBBID IYO GUUDMAR.

SOOKOOBBID IYO GUUDMAR.

Buugga "Dirkii Sacmaallada".

Qoraaga;

Axmed Ibraahim Cawaale wuxuu ku dhashay aagga buurta Gacan-libaax ee gobalka Saaxil [Barbara]. Axmed wuxuu ku xeel dheer yahay culuumta xisaabaadka iyo deegaanka. Wuxuu muddo ku hawllanaa daraasaynta sooyaalka Soomaalida oo uu ka qorey buug dhowra oo uu ku mid yahay buuggaan iyo kuwa ku jra qoraalka hoose.

Hordhaca qoraalka.

Buugga ‘Dirkii Sacmaallada’ waa buug ka mid ah buugta laga qorey taariikhda Soomaaliyeed ee la isku yiraahdo daraasaynta Soomaalida[Somali studies]. Qoraagu wuxuu kulminayaa qoraalo badan oo la xiriirra meel-ka-soojeedka Soomaalida. Axmed I. Cawaale wuxuu horey u qorey buugta kala ah“The mystery of the land punt Unravelled, Sitaad iyo Muqaddinkii xeeebaha berri Soomaali” oo ka mid ah dhigaal taariikheedyada Soomaalida. 

Sidookale qoraagu wuxuu si qoto dheer qeybaha buugga ugu lafa-gurayaa qoraaladii ay hore u qoreen taariikhyahannada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah. Axmed buuggiisa wuxuu ku soo biirayay aragti cusub oo la feer dhigi karo aragtiyihii hore ee sida kala duwan loogu qeexay meel-ka-soojeedka magaca [Soomaali] iyo asalka umaddeena. Buuggu wuxuu ka kooban yahay Afar qeybood oo waa wayn qeyb kastana waxay diiradda saarreysaa mowduucyo gooniya. 

Qeybta 1aad; Marka laga yimaado hordhaca buugga qeybtaan waa halka uu ka bilaabmayo nuxurka dhiganaha wuxuuna qoraagu ku faaqiddiyaa meel-ka-soojeedka magaca Soomaali ee malayaasha badan ninba si ugu fasirrey iyo umadda Soomaalida asalkooda. Sidoo kale Qoraagu wuxuu qeybtaan awoodda ku saarrayaa aragtiyo kala duwan oo loo adeegsaday micneeynta halka uu kayimid magaca Soomaali iyo sida uu ku yimid. 

Axmed I. cawaale Wuxuu isku dayayaa asaga oo kaashanaya aragtiyaha ay ka qabaan dadka bartay culuumta is barbardhiga bulshooyinka [Anthropology] iyo af-yaaqaannada [Linguist] meel-ka-soojeedka Soomaalida  in uu jawaab u helo su’aaal inta badan dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga kaleba iswaydiiyaan baaritaanka buuggaanna gundhig u ah “xagee bay soomaalidu ka soo jeeddaa?”.  Ugu danbayn dhiganaha qeybtiisaan waxaa ku jira xogo ku saabsan halka ay tahay Arladii Bunti iyo taariikhyahannada wax ka qorey iyo meelahay ku asteeyeen. 

Qeybta 2aad; qeybtaan wuxuu qoraaga dhiganahiisa kaga hadlayaa dhowr mowduuc oo kala duwan oo ay ka midyihiin barax-tiranka isirka soomaalida ku dhacay iyo cidda ku barax-tirantay, sheegashada Carabnimada ee Soomaalidu illaa maanta tiraah “waxaannahay Carab”, kala duwannaanta hab-dhaqan ka Carabta iyo ka Soomaalida, iyo kuwa kale oo intaa ka sii xiiso badan. 

Waxaa kale oo axmed qeybtaan uga hadlayaa sida ay ugu suurta gashay sida isiro kala duwan ay ku yimaadeen carrada Soomaalida kuna dhex tarmeen dadka Soomaalida, maadaam baaritaano badan oo lagu sameeyay habka hiddesidaha {DNA} lagu ogaaday in Soomaalidu umadda kala duwan ku hidde tahay. 

Qeybta 3aad; qeybtaan wuxuu qoraa Axmed ku soo gudbinyaa diimo ay Soomaalidu haysan jireen Islamka ka hor, waxyaabihii ay aaminsanayeen [caadooyin] iyo dhaqamadoodii hore. Qoraaga oo buuggiisa ku soo bandhigaya sawiro dagal-baariseed iyo weero-af-ka-Soomaaliga ku jira oo loo turjuman karo in ayhiin afafkale oo Soomaalida ku dhex doorsoomaay kuwaas oo muujinaya xariirada diimo kale iyo dadka Soomaaliyeed ka dhexeeyay.

Qeybta 4aad; Qeybtaan waa qaybta ugu danbeysa dhiganaha wuxuuna qoraagu ku lafo-gurayaa mowduuc taariikheedyo aad  facwayn oo ay ka midyihiin ilbaxtinimada Soomaalida, isir takoorka cilmiyaysan iyo ilbaxnimada dadkeena oo inta badan loo saariyo in ay tahay mid xaga Carabta ka timid ayuu sidoo kale qooraagu baaritaan dheer ku sameynayaa. Sidoo kale wuxuu qoraa Axmed Ibraahim dhiganaha qeybtiisaan ku sharaxayaa ganasiga Soomaalida ay la ahayd umada kale ee iyo baaxaa deggii uu soo maray.

Gunta iyo gunaanadka qormadayda.

Marka wax la akhriyo ay joogto anigu ka Maxamed ahaan waxaan ugu jecelaahy dhiganayaasha taarikhda ah si gaar ah waxaan u daneeyaa bulshada geeska Af-rika qaasatan Soomaalideena. Sidaan horey u soo sheegayba buuggaan waxuu ka mid yahay  silsilad-dhiganeedka daraasaadka Soomaalida [Somali studies]. 

“Dirkii sacmaallada” waa buug ku qotoma baaritaan dheer oo qoraagu sameeyay, sidookale wax yaabaha uu buuggaan kaga duwanyahay dhiganayaasha kale wuxuu qoraagu gorfeyn iyo lafo-gurud ku samaynayaa waxaa ay qoreen dadkii ka horeeyay ilaa laga soo bilaabo qoraalka facawayn ee “The Periplus  of erytheraean sea” oo uu qorey nin Giriig ah oo aan sheegin magaciisa kaas wax badan ka qorey hab-dhaqanka, ganacsiga iyo tilmaamaha dhulka Soomaaliyeed ee loo yaqaany dhulkii Barbariyiinta [ Barbarian land]. 

Waxaa kale oo uu buuggaan kaga duwan yahay kuwa kale daaraasaadka Soomaalida ku jira wuxuu qoraagu la yimid fikrad cusub oo loo qaateen ah. Dhiganahaan wuxuu kulminayaa mowjado kala qarni iyo kala qormo ah, wuxuu dib inoogucelinayaa wixii ay ahayd Soomaalidii hore iyo sidii ay u noolaan jirtey. 

Ugu danbeyn qofkasta oo doonaya in uu taariikhda Soomaaliyeed wax-ka-barto waxaan kula talin lahaa in uu akhriyo buuggaan [ Dirkii Samaallada]. 

Xaquuqda;

Maxamed Maxamud Cali
darwiish52@gmail.com
00252618627725

Comments

Popular posts from this blog

HORMARINTA XIRFADDA WAX AKHRISKA.